Deegaanka TEED oo qiyaastii 30km u jirta degmada Xudur, ayaa waxaa ku dagaalamaya ciidamada dowlada oo garab ka helaya ciidamada Itoobiya iyo Kooxda al Shabaab oo weerar ku qaaday ciidamada galbinaya kolonyada ganacsatada Xudur.
Inkastoo aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay dagaalka haddanna wararka ka helayno Xudur waxay sheegayaan in uu gurmad ciidan ka baxay degmada Xudur kaas oo ku sii jeeda goobta uu dagaalka ka socodo.
Raashinka ayaa ayaa laga soo qaaday Degmada Ceelberde waxaana uu wadada ku soo jiraa muddo todobaad ah, dagaalka hadda qabsaday waa kii ugu adkaa tan riyo markii uu soo dhaqaaqay.