Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan ka yeelanaya xaaladda siyaasada ee dalka Soomaaliya.
Wakaaladda Wararka AFP oo xiganeysa ilo diblomaasiyadeed ayaa shaacisay in shirka ay codsatay dowladda Britain oo bishan hoggaamineysa Golaha Amaanka.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya ay ku dhawaaqeen “in madaxweynaha uu si sharci darro ah xilka ku hayo”.
Doorashooyinka dalka ayaa wali xal laga gaarin, iyadoo ay dhammaatay muddo-xileedka Madaxweynaha.