Milatariga Sacuudiga ayaa sheegay inay burburiyeen diyaarada nooca Dronke ah oo hawada Sacuudiga soo gashayoo ay leeyihiin Xuutiyiinta Yemen.
Waa amrkii shanaad oo labo maalmood gudahood dhacda. Axaddii lasoo dhaafay ayuu Maraykanka ka codsaday Xuutiyiinta inay joojiyaan weerarada noocan oo kale ah.
Madaxweyne Joe Bidena waxuu sheegay inuu doonayo in la dhameeyo colaada dalka Yemen ka taagan.
Maraykanka ayaa sheegay inuusan Sacuudiga ka iibin doonin hub loo isticmaalo dagaalka dalka Yemen.