Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta hortagaya Golaha Shacabka si uu ugu bandhigo waxyaabaha u qabsoomay Boqolkii maalmood ee ugu horeeyey ee xukuumadiisa.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay dukuminti ka hadlaya waxqabadka Maamulka uu ra’iisul wasaaraha ka yahay Rooble.
Boqolkii maalmood ee ugu horeysey ee xukuumada Rooble ayaa waxaa suurtogal noqon waayay in laga qabto dalka doorasho,ballanqaadyadii uu hore u sheegay Ra’iisul Wasaaraha ayaana ka mid ahaa hirgelinta doorashada.
Sidoo kale mudadii uu xilka hayay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa dalka ka dhacay dilal iyo qaraxyo ay geysteen dagaalamayaasha Alshabaab.