Ciidamada xoogga ayaa maanta howlgallo ka sameeyay deegaano hootaga degmooyinka Jowhar iyo Raaga-ceelle ee gobolka Shabeellada Dhexe, kuwaasi oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa kamid ahaa talyaha qeyta 27-aad ee Militirga Soomaaliya General Axmed Maxamed Tareedisho.
Inta uu howlgalkan socday waxaa dagaal uu dhexmaray ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, kaasi oo uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimaasho iyo dhaawac.
Saraakiisha oo ka warbixiyay howl-galladan ayaa sheegay inta Howgalkan intu socday in ay dagaalo ay la galeen Al-Shabaab ay ku dilen tiro kamid dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Taliyaha qeybta 27-aad Xooga dalka ayaa tilmaamay inay tira Maxaabiis ah ay kusoo qabteen Howgalka lana wareegen Ciidamada Militirga Degaan badan oo Hoostaga Degmada Raagaceele ee Gobolka Shabeelaha dhaxe.
Goobihii lagu dagaalamay ayaa deggan, waxaana ka wareegay ciidamada dowladda, kadib markii Al-Shabaab ay isaga baxeen halkaasi.