Guddiga Farsamada ee ka socda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa Maanta oo Isniin ah gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed.
Guddigaan oo ka kooban 14-xubnoo ayaa waxaa Baydhabo uga furmay Shir looga hadlayo qodobada la isku mari waayay ee sababta u noqday fashilka shirkii Madaxda ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb.
Shirka ayaa sidoo kale looga hadla arrinsanayaan halka lagu qabanayo Shir ay isugu yimaadan Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, si heshiis looga gaaro khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa.
Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya Shirka Maanta u furmay Guddiyada farsamada ayaa waxaa si dhow ula socota Beesha Caalamka oo ay damaanad qaad ka noqon doonaan wixii lagu heshiiyo.
Maanta oo ah 15-ka bishaan Febraayo ayaa waxaa lagu waday in Magaalada Garoowe uu ka furmo Shirkii uu Farmaajo isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid.