Saraarkiil ka tirsan Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in Duqeeyn kadhacday degaanka Buurtra kuumba oo qiyaastii 12 kiilo mitir ujirta magaalada jamaame ee gobolka jubada hoose ay ku burburiyay xarun Al-shabaab ay kutababarijireen Ciidankooda oo halkaasi kutaalay.
Duqeeynta oo warar hordhac ah kasoo baxayaan ayaa waxaa Saraakiishu sheegeen in lagu dilay dagaalamayaalka tirsan Al-Shabaab kuwaasi oo kusugnaa xaruntaasi tababar.
Duqeeynta ayaa waxaa iska kaashaday Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibadooda caalamka sida ay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee qeybta 43-aad.
Saraakiisha ayaa intaasi kudareen in meeydad iyo dhaawacyao farabadan oo Al-shabaab ah lageeyay degmada jilib ee gobolka jubada dhexe.
Marka laga tago sheegashada Ciidanka Xoogga ee ah in ay dileen xubno ka tirsan Al-shabaab, ma jirto cid kale oo xaqiijisay weerarkaasi duqeynta ah, sidoo kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo ay kaga hadlayaan duqeynta la sheegay in ay ka dhacday degaanka Buurtra kuumba oo qiyaastii 12 kiilo mitir ujirta magaalada jamaame ee gobolka jubada