Ra’iisul Wasaaraha Inida Narendra Modi ayaa maanta Isniin ah qaatay tallaalka kahortagga Xannuunka Covid-19 oo Bishii Janaayo 2021 uu bilawday ololaha dadka garabka loogu mudayo daawada jirkooda siineysa difaaca ka dhanka ah Fayruska.
Modi ayaa lala tallaalay dad kale oo u badan howlwadeennada Xafiiskiisa si bulshada inteeda kale ay u gasho kalsoonida qaadashada Tallaalka kahortagga ee Xannuunka Covid-19 sida ay sheegeen saraakiil katirsan Xafiiskiisa.
Bartamihii Janaayo 2021 waxaa guud ahaan Dalka India ka xoogeystay muujinta rabitaanka Tallaalka Covid-19, maadaama dalkaan dhaca qaaradda Aasiya laga diiwaangeliyay kiisas aad u badan oo dhimasho, ka bogsasho & Dhimasho ah.
“Xusuusnaada sida ay Dhaqaatiirteenu ugu shaqeeyeen in si degdeg ah loo helo xalka tallaalka Covid-19 guud ahaan dunida saameeyay isla markaana uu socdo dagaal ka dhan ah si looga hortago” Sidaasi waxaa lagu yiri qoraal lagu qoray barta Xukuumadda iyada oo la raaciyay Sawirka Ra’iisul Wasaaraha oo Garabka Bidix laga durayo.
Narendra Modi da’diisu tahay 70-sano ayaa bulshada dalkiisa u horseeday in ay ku dhiiradaan qaadashada Tallaalka kordhiya difaaca jirka si uu qofka u awoodo hareynta halista Covid-19 haddii uu ku dhaco sida ay sheegeen dhaqaatiirta baarista ku sameysay kahor inta aan dadka la mudin (la Durin) Tallaalkaan.
BBV152 oo sidoo kale loo yaqaan (Covaxin) waxa ay hoos u dhigtaa “awoodda Fayruska Covid-19“ waana tan keentay in ay ku taliyo Golaha Cilmi-baarista Caafimaadka Hindiya ee loosoo gaabiyo (ICMR) “Indian Council of Medical Research”.