Cismaan Abokar Dubbe, Wasiirka Warfaafinta Somaliya ayaa sheegay in wareegga 2aad ee xanuunka COVID-19 uu ka culus yahay kii hore.
Wasiirka ayaa tibaaxay inaanay xaaladdu qurux badnayn, isla-markaana uu xanuunka si weyn ugu fidaayo bulshada dhexdeeda.
“Xaaladda runtii ma qurux badna, xanuunku aad buu dadka ugu baahayaa, saamayntiisa way sii badaneysaa.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.
Wasiirka ayaa yiri “Waxaad mooddaa hirkaan 2aad inuu ka culus yahay, oo uu ka xun yahay kii 1aad ee na soo maray, aad buu u fidayaa, una faafayaa.”
Isagoo la hadlayay VOA ayuu yiri “Waxaa kala batay dadka uu xanuunka soo ridanayo iyo awoodooda dhaqaale. Qalabka Oxygen-ka aynu hayno iyo dadka uu soo ridanayo ma rabno inay kala bataan.”
Xilli dad fara-badan ay daryeel la’aan ugu geeriyoodeen Isbitaalka Martini ee Magaalada Muqdisho, ka dib markii uu Oxygen-kii ka go’ay kol sii horeysay ayuu Wasiirku qiray inay taasi jirto, ha yeeshee ay dowladdu dadaal ugu jirto, sidii dalka loo keeni lahaa mashiinada Oxygen-ka sameeya.
“Waxa ugu weyn ee maanta muhiimka ahi waxaa weeye Oxygen-ka, maadaama xanuunka abaarayo uu markiiba culeysiinayo neef qaadashada. Marka dadkii neeftaa ku dhageysa, xoogga waxaan saarnay sidii loo heli lahaa mashiinada neefta dhaliya ee Oxygen-ka sameeya. Hawshaasaa ku jirnaa, waxaana naga go’an maalmaha soo socda inaanu helno Oxygen ku filan isbitaalada.” Ayuu yiri Dubbe.
Dubbe ayaa intaa ku daray “Waxaan ka dalbaneynaa dalalka dibadda, Turkiga hadda waxaa noogu maqan mashiinkii, waxaana laga yaabaa sida ugu dhakhsaha badan in loo keeno, intaasna waxaan isku sii maamuleynaa kuwa aan haysano, laakiin waxaan ku talagaleynaa xaaladda inay noqon karto xaalad adag. Haddii Ilaahay sidaa nagu dhaafiyo waa Al Xamdulillaah, laakiin ku talagal waa inuu jiraa iyo la tacaalis dadka hadda u jiifa xanuunka ee bukaanka ah.”
Tan iyo markii uu xanuunka dalka dib ugu soo laba kacleeyay ayaa waxaa Isbitaal Martini ugu geeriyooday boqol qof.