Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa walaac ka muujiyay xaaladda cakiran ee dalka, ka dib markii uu warbixin ka siiyay Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. James Swan.
War ay soo saareen ayay Golaha Ammaanka ku muujiyeen, sida ay uga walaacsan yihiin ismari-waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka ee dalka.
Golaha Ammaanka ayaa Madaxda Soomaalida ugu baaqay inay yeeshaan wadahadal wax ku ool ah, isla-markaana ay dalka ka qabtaan doorasho loo dhan yahay, iyadoo markaasi lagu saleynayo heshiiskii 17-kii September iyo talo soo jeedintii Guddiga Farsamada ee 16-kii February ku kulmay Magaalada Baydhabo.
Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaan xal ka gaarin doorashada muddo dhaaftay.
Madaxda Soomaalida ayaan sidoo kale xal ka gaarin qaabka loo wajahayo shirka wadatashiga qaran ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee dalka. Madaxda ayaana ku kala qaybsan ajandaha shirka.