Weerar ka dhacay agagaarka Aqalka Baarlamaanka Maraykanka ee US Capital ayaa uu ku dhintay hal askari, halka uu midkalena ku dhaawacmay.
Gaari ayaa ku dhacay xayndaabka amniga ka hor inta uusan darawalkii toorrey la soo aadin, dhankii ay ka xigeen askarta ilaalada ahi , sida ay boolisku sheegeen.
Booliskii goobta joogay ayaa waxay ku fureen rasaas, halkaas oo ay ku toogteen ninkii la tuhunsanaa.
Masuuliyiintu waxay sheegeen in weerarkan uu dhacayo saddex bilood uun kaddib rabshadihii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Capitol bishii Janaayo, uusan ahaynna mid la xiriira argagaxiso.
Ku simaha Taliyaha Booliska ee Capitol, Yogananda Pittman ayaa yiri “Niyad ahaan, aniga oo tiiraanyaysan ayaan ku dhawaaqayaa in mid kamid ah saraakiisheena uu u dhintay dhaawacii soo gaaray”.
Askariga dhintay ayaa lagu tilmaamay shakhsi muddo badan ka shaqaynayey goobtaas.
Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyey Capitol, halkaas oo ay fadhiyaan Kongaraska Mareykanka.
Kongarasku hadda wuxuu ku jiraa fasax, taasoo la micno ah in inta badan siyaasiyiinta aysan ku sugnayn xarunta Capitol waqtiga weerarkan.