Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka ayaa laamaha ammaanka ugu baaqay inay juhdi ku bixiyaan, sidii ay weerarada Al Shabaab uga hortaggi lahaayen.
Madaxweynihii hore ee dalka ayaa marka hore ka tacsiyadeeyay dhalinyaradii xalay lagu dilay weerarkii ismiidaaminta ee ka dhacay Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.
“Waxaan ummadda Soomaaliyeed la wadaagayaa murugada iyo tacsida dhalinyaradii qaraxa lagu dilay, anigoo marka hore tacsi u diraya dhammaan qoysaska dhalinyaradaas mustaqbalka u ahayd dalka ee naftii hallige qariban oo Shabaab ka tirsan uu ku qarxiyay Degmada Shangaani ee Magaalada Muqdisho.”
“Waa masiibo u baahan in guud ahaan shacbi iyo madax gacmaha la isku qabsado, loona istaago sidii looga hortaggi lahaa argagixisada Shabaab, gebi ahaanna dalka oo dhan laga xorreeyo.”
“Ugu dambeyntii waxaan hay’adaha amniga ee Qaranka ugu baaqayaa inay waqtigooda geliyaan ka hortagga cadowga argagixisada, oo ay iska diidaan in siyaasad lagu mashquuliyo.”
Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Golaha Midowga Musharixiinta ayaa warkan ku sheegay bartiisa Facebook.