Dowlada Federalka ayaa ku eedeysay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland inaysan dooneyn doorasho inay ka dhacdo dalka taasoo ah heshiiskii September 2020.
Wasiirka Warfaafinta dowlada federalka Cusmaan Dubbe oo shir jaraa’id qabta kadin kulankii maanta ka dhacay Tendhada Afisyooni ayaa ku tilmaamay Madaxda Jubaland iyo Puntland inay yihiin kuwo ah jid iyo jaho diid.
“Xukuumada waxa ay ummada soomaliyeed u cadeyneysaa in Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland aysan rabin in dalkan ka dhacdo doorasho aasaaskeedu yahay heshiiskii 17ka september iyo isfahamkii `6kii febraayo, waana wax laga xumaado in labada madaxweyne ay noqdaan Jid iyo Jaho diid aan doorasho oggoleyn.”ayuu yiri Wasiir Dubbe.