Sideed qof ayaa lagu dilay qaar kalena waa la dhaawacay toogasho wadareed ka dhacday xarunta Indianapolis FedEx ee dalka Maraykanka.
Weerarka dadka lagu diley ayaa waxaa fuliyay qof markii dambe isagana is diley sida ay sheegeen saraakiil u hadashay booliska magaalada Indianapolis.
Lama oga sababta ka dambeysay in ninkan uu dil wadareed ku kaco waxaana goobta uu dilku ka dhacay xirey ciidamada iyagoo baaritaan ka sameynaya.
Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden waxa uu ku dhawaaqay inuu qaadayo tallaaboyin uu ugaga hortagayo sidii loo xakamayn lahaa isticmaalka hubka gudaha dalka Maraykanka.
Tirada dadka lagu diley gudaha dalka Maraykanka sanadkan ayaa gaaraysa 12,395 ruux halka sanadkii hore la diiwaangeliyay tiro gaareysa 43.549 ruux.