Midowga Musharaxiinta oo Kulan Laqaatay Madaxda Maamulada Galmudug iyo Hirshabeele
Muqdisho waxaa ka dhacay kulan saacado badan qaatay oo dhexmaray Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Shariif Sheekh Axmed oo hoggaan u ah Golaha Midowga Musharixiinta, Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor & Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.
Kulankaan ayaa yimid kamid markii Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Cali Guudlaawe & Axmed Qoor-Qoor ka dalbaday in ay la kulansiiyaan hoggaanka hoggaanka Midowga Musharixiinta.
Fadhiga oo Saacado qaatay kadib waa lagu kala tagay sida Ilo xog ogaal ay Mustaqbal ay u sheegeen in Madaxda Wakiilada ka ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu golaha Musharixiinta hordhigay shuruudo dhowr ah.
Golaha Midowga Musharixiinta ayaa Cali Guudlaawe & Axmed Qoor-Qoor ka dalbaday in marka hore ay caddeeyaan mowqifkooda la xiriira go’aanka Golaha Shacabka ee u codeynta Sharciga Jiheynta Doorashooyinka oo meesha ka saaraya rajada qabsoomidda Doorasho Dadban oo ka dhalatay heshiiskii 17-ka September 2020.
Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada Galmudug & Hir-Shabeelle ayaa jawaab laga sugayaa ilaa Isniinta berri ah 19-ka April 2021 haddii ay kasoo qorshaha ka yimid Villa Soomaaliya ee uu ansixiyay Golaha Shacabka BFS balse waayay taageero badan.
Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku gacan-seyray wadahadal uu ugu baaqay inay xaaladda dalka ka yeeshaan.
Madaxweynaha Somaliya ayaa codsigiisaan u gudbiyay Midowga Musharaxiinta, isagoo markaasi ergo ahaan ugu diray Madaxweyne-yaasha Galmudug iyo Hirshabelle.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu codsaday inuu la kulmo guddi ka socda Midowga Musharaxiinta, bal si ay uga wadahadlaan arrinta doorashada, gaar ahaan doodda adag ee ka dhalatay muddo kororsiga labada sano ah.
Wararka ayaa intaa ku daraya in baaqa Madaxweyne Farmaajo uu si gaar ahi ugu socday Madaxweyne-yaashii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Midowga Musharaxiinta ay kulankaasi u diideen, iyagoo Madaxweyne Farmaajo u aqoonsan mid muddo xileedkiisu dhammaaday, isla-markaana uu kursiga ku jooggo sifo aan sharci ahayn.
Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug ayaa la soo sheegaya in markale uu isku dayi doono, sidii uu u kulansiin lahaa Madaxda Dowladda Federaalka iyo Xubnaha Midowga Musharaxiinta, qaarkood.
Inkastoo muddooyinkii ugu dambeysay ay xaaladda siyaasadeed ee dalka ahayd mid hubinti la’aana ayaa waxaa sii murjisay labada sano ee loogu daray Madaxtooyada iyo Baarlamaanka, waana xilli uu kordhayo baaqyada loo jeedinayo danleyda siyaasadda ee dalka.