Madasha badbaado qaran oo ay ku midoobeen siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa fariin u diray golaha ammaanka ee Qaramada midoobay iyadoo maanta ka shiraan arrimaha siyaasadda Soomaaliya.
Qoraalka ay Golahan u direen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ku xuseen sida ay uga soo horjeedan muddo kordhintii Golaha Shacabka Soomaaliya ay ku ansixiyeen qaraar labo sano ah iyo khilaafka ka taagan.
Golaha Ammaanka ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta uu fadhi ka yeesho arrimaha dalka Soomaaliya iyadoo fadhigaana laga filayo inay go’aano ka soo horjeeda muddo kororsiga uu ka soo baxo.
Qoraalka loo direy Golaha Ammaank oo luqada Englishka ku qoran halkan ka aqriso;