Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul uga hadlay shaqaaqo maanta ka dhacday gudaha garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.
Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Wasaaradda Amniga iyo Hay’adaha kale ee ay khuseyso in ay baaritaan deg-deg ah ku sameeyaan falkaas si dhaqso ahna sharciga loo horkeeno cid kasta oo ku lug lahayd.
Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay gacan ka hadal u dhexeeyay shaqaalaha laanta socdaalka iyo ciidamada Nabad-Sugidda
dhanka kale Wasiirada Amniga iyo Gaadiidka Soomaaliya oo ay wehliyaan Taliyeyaasha Booliska iyo hay’adda Socdaalka oo kulan ka yeeshay shaqaaqadii ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in baaris dhammeystiran lagu hayo falkii garoonka ka dhacay.
Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay inay socdaan beeritaanno dheeraad ah si sharciga loo horkeeno cid kasta oo ku lug lahayd falkii ka dhacay garoonka Aadan Cadde.
“Annaga oo fulineyna amarka Madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaaraha waxaan talaabo sharci ah ka qaadi doonnaa cid walba oo ay ku cadaato in ay qeyb ka aheyd shaqaaqadii ka dhacday garoonka”. Ayuu yiri Wasiirka Amniga.