Qarax sababay dhimashada guddoomiyihii deegaanka Leego ee gobolka Sh/hoose iyo qof kale ayaa ka dhacay degmada Wanlaweyn.
Wararka laga helayo Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay ay la qaraxday guddoomiyihii Leego oo lagu magadcaabi jirey Xasan Gudcur miino la dhigey albaabada guri uu ka degenaa degmada Leego,waxaana sidoo kale qaraxaas ku dhaawacmay labo ka mid ah ilaaladiisa.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xaqiijiyay geerida Guddoomiyihii degaanka leego oo bilihii la soo dhaafay ku sugnaa degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Deegaanka Leego ayaa hore dadkii u degenaa ay ka barakaceen kadib markii ay dagaalamayaasha Alshabaab dab qabadsiiyeen dhamaan guryihii ku yiil deegaankaas.