Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad la wada sugayey kahor jeediyey Golaha Shacabka ayaa shaaca ka qaaday inuu fulinta doorashada iyo amniga doorashada ku wareejiyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Farmaajo ayaa sidoo kale xubnaha baarlamaanka ka codsaday inay ka aqbalaan in laga laabto sharciga muddo kororsiga, islamarkaana dib loogu laabto miiska wada-hadalka si loo hirgeliyo heshiiska 17-ka September.
Madaxweynaha ayaa Baarlamaanka u sheegay iyadoo la qadarinayo duruufaha ay wajaheyso wadanka iyo caasimadda Muqdisho inay ka tanaasulaan go’aankii ay horey u gaareen oo ahaa in muddo laba sano ah lagu qabto doorasho qof iyo cod ah.
Farmaajo ayaa sheegay in sharciga 12-ka April ee muddo kororsiga ay diideen qaar ka mid ah dowlad goboleedyada, islamarkaana Muqdisho laga abaabulay xasarado qorsheysan, lana barakiciyey shacab, sida uu hadalka u dhigay.
Farmaajo ayaa sheegay inuusan dooneyn in dagaallo ay ka dhacaann Muqdisho.
“Waxaan idiin sheegayaa, magaaladan, qof ahaan, aniga lex jeclo weyn ayaa iga haysa, maxaa yeelay aniga magaaladan ayaan ku dhashay, magaaladan ayaan ku barbaaray, dugsi qur’aan, dugsi hoose, dugsi dhexe iyo dugsi sare uga baxay. Lamana ogolaan karo in dalkeena iyo magaaladan ay ku laabteen dhabihii ay qaadeen 30 sano ka hor, sidaas darteed waxaan dooranay inaan u hiilino xasiloonida dalka,” ayuu yiri Farmaajo.
dhanka kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaliya ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyey codsigii uu hor keenay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiska doorashada ee 17 September.
Guddoomiyaha Baalamaanka Soomaaliya ayaa ka codsaday Xildhibaanada in cod gacan tag ah loo qaado codsiga Madaxweynaha. Waxaa codsiga madaxweynaha aqbalay guud ahaan Xildhibaanadii kulanka kasoo qeyb galay oo ahaa 140 xldhibaan ,sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Mursal.
Guddoomiye Mursal ayaa shaaciyey in dalka uu dib ugu laabtay heshiiska doorashadii 17 September maadaama Baarlamaanka uu si aqbalbiyad leh u ansixiyeen, waxaana halkaas ka baxay muddo kororsigii.