Golaha Shacabka ayaa goordhow shir uga furmaya xarunta Villa Hargeysa, iyadoo lagu wado inay baabi’iyaan ama ka laabtaan muddo kororsigii labada sano ee dhaliyay xiisada siyaasadeed iyo tan amni ee maalmihii la soo dhaafay ka jirtay Muqdisho.
Waxaa la filayaa in Madaxweyne Farmaajo uu baarlamaanka ka codsado sidii dib loogu noqon lahaa heshiiskii doorashada ee la gaaray 17-kii bishii September, Golaha Shacabkuna ay ka aqbalaan arrintaas.
Waxaa Madaxweyne Farmaajo loogu baaqay in ku wareejiyo howlaha doorashooyinka Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo kalsooni ay ku qabaan dhamaan dhinacyada Soomaalida.
Ammaanka agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si weyn loo adkeeyay.