Afhayeenka Xukuumadda Somaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa beeniyay inay jiraan qodobo lagu heshiiyay Shirka Wadatashiga Qaran ee maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ayaa been abuur ku tilmaamay wararka leesla dhexmarayo ee sheegaya in ay jiraan qodobo durbaba lagaga heshiiyay shirka.
Afhayeenka ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in shirka uu bilow yahay, isla-markaana uu sii socon doono, illaa iyo inta heshiis rasmi ah lagaga gaarayo arrimaha doorashooyinka ee dalka.
“Wararka leesla dhexmarayo ee sheegaya in ay jiraan qodobo lagu hishiiyay, isla maalinka furitaanka Shirka Wadatashiga Arrimaha Doorashooyinka ee uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waa been abuur aan sal iyo raad toona laheyn. Shirku wuu sii soconayaa, si hishiis loo gaaro.” Ayuu yiri Macalimuu.
Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa maanta shirka ka furay Xerada Afisyooni, iyadoona ay ka qaybgaleen Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed.
Shirka oo dib u bilaaban doono Axadda berrito ayaa looga arrinsanayaa sii ambaqaadidda heshiiskii 17-ka September, ee ku qotamay qaabka doorasho ee dalka. Heshiiskan ayaa waxaa horaan ansixiyay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.
Afhayeenka Xukuumadda oo beeniyay in qodobada lagu heshiiyay shirka Muqdisho
previous post