Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa kulan gaar ah la qaatay safiirka Itoobiya ee u fadhiya Soomaaliya.
Labada masโuul ayaa ka wada hadlay howl-gallada ciidamada Itoobiya ka wadaan deegaanada Koofur-galbeed iyo xoojinta la dagaalanka Al-Shabaab.
Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan Howl-galka midowga Afrika ee AMISOM ayaa saldhigyo ciidan ku leh deegaanada Koofur Galbeed.
Dhinaca kale, madaxweyne Lafta-gareen ayaa hoygiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Musharax Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.