Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa Jimcihii isbitaal ku yaala Magaalada Muqdisho ku booqday askartii ku dhaawacantay dagaalka Khamiistii ka dhacay Gobolka Shabellaha Dhexe.
Wasiirka ayaa xog-wareystay askarta, isagoona u rajeeyay inay si deg-deg ah kaga soo bogsadaan dhaawacyada soo gaaray.
Wasiirka ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ku ammaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka, isla-markaana ay yihiin geesiyaal naftood hurreyaal ah.
“Waxaa tihiin geesiyaal naftooda iyo dhiigooda u huray difaaca dalkooda, dadkooda iyo diintooda. Qarankiina difaaciisa ayaad u dhaawacanteen, waxaana idiin rajeynaa caafimaad deg-deg ah.” Ayuu yiri Wasiir Xaaji.
Wasiir Xaaji oo la hadlayay askarta ayaa yiri “Taliska Caafimaadka iyo Wasaaradda Gaashaandhigga si dhow ayay ula socon doonaan xaaladiina.”
Dagaalkan ka dhacay Bariga Magaalada Jowhar ayaa waxaa ku dhintay tiro askar ah, oo uu ku jiro Taliyahii Ururka 6aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Maxamed Cabdiwahaab Faarax.