Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Madaxweynaha ayaa ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, ka dib markii uu kaga qaybgalay Shirka Golaha Wadashiga Qaran, ee ku qotomay arrimaha doorashooyinka ee dalka dalka.
Ma cadda ujeedada uu xilligan Madaxweynuhu u tagay Magaalada Gaalkacyo, waxaase soo baxaya warar sheegaya in uu u tagay arrimo la xiriira dhanka amniga, ka dib weerarkii 27-kii bishii June ay Shabaabku ku qaadeen deegaanka Wisil ee Gobolka Mudug.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa toddobaadkii hore Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug faray in la dardargeliyo hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.
Madaxweyne Qoorqoor oo gaaray Magaalada Gaalkacyo (SAWIRRO)
previous post