Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa u codeeyay afar xubnood, oo ka mid noqonaya Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.
Senatorada lagu doortay Magaalada Kismaayo waa kuwii uu toddobaadkan liiskooda soo gudbiyay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Madaxweynaha ayaana maalmaha soo socdo lagu wadaa inuu soo gudbiyo musharaxiinta ku tartami doonta afar kursi ee Jubbaland u harsan.
Afarta kursi ee harsan ayaa doorashadooda la muddeen doonnaa, kolka liiska musharaxiinta uu soo gudbiyo Madaxweyne Axmed Madoobe.
Senatorada la doortay ayaa kala ah Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Senator Iftiin Xasan Baasto, Senator Ilyaas Badal Gaboose iyo Senator Cabdirisaaq Maxamed Cismaan.
Xaliimo Jaamac Maxamed oo ah gabadha keliya ee tartameysay ayaa waxaa kursigii ay u taagneyd ku soo baxay Cabdirisaaq Maxamed Cismaan.
Senator Fartaag iyo Senator Iftiin oo ka tirsanaa Senatoradii hore ayaa dib loo soo doortay.