Dowladda dalka Itoobiya ayaa sheegtay in ay fashilisay isku day ay xubno ka tirsan Al-shabaab ay ku dooonayeen iney gudaha u galaan dalkaasi.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska isgaarsiinta ee deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu sheegay in horraantii toddobaadkan la qabtay laba qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.
“Laba qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabab oo isku dayay inay ka soo galaan dhinaca Soomaaliya ayaa lagu qabtay deegaanka Mustaxiil ee dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Bishii Janaayo, Itoobiya waxay ku dhawaaqday in la xiray tobanaan qof oo looga shakisan yahay xagjirnimada oo lala xiriirinayo Al-Shabab.