Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Taliyaha KMG ee Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), S/guud General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), Hoggaanka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Taliyeyaasha Nabad Sugidda & Booliska Gobolka Banaadir.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa faray Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in ay baaritaan rasmi ah oo degdeg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Gabadhan ayaa xubin ka ahayd Hay’adda Nabad Sugidda.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale faray Taliyaha cusub ee Hay’adda NISA iyo Taliyeyaasha Nabad Sugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir in ay Maxkamadda gacan buuxdo ku siiyaan gudashada waajibkeeda, maadaama ay horey u jireen caqabado ay ka cawdeen guddigii horey loogu saaray kiiska Ikraan Tahliil.
Ikraan Tahliil oo la la’aa tan iyo 26-kii bishii June ee sanadkan ayaa Taliska NISA waxay Khamiistii ka soo saareen warbixin aanay dadku ku qancin, hadalhayn badana ka dhex dhalisay bulshada, taasoo dhabaha u xaartay in shaqada laga joojiyo Taliyihii Hay’adda, Fahad Yaasiin Xaaji Daajir.
Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa u muuqdo mid juhdi badani ku bixinayaan, sidii ay cadaalad u heli lahaayeen qoyska Ikraan Tahliil.
RW Rooble oo la kulmay Saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha KMG ee NISA
previous post