Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Golaha wasiirada Maamulkaas oo khamiis walba ka qabsooma Magaalada Kismaayo ee Xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbaland.
Shirka ayaa waxaa loo lagaga hadlay, arimaha amaanka, dhaqaalaha, dhismaha biyo xireenada wabigaga Jubba, iyo wada shaqaynta Hay’adaha iyo Wasaaradaha Dowladda.
Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa waxaa ay warbixino la xiriira howlaha ay qabteen Iyo kuwa u qorsheysan waxaa ka dhageystay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Golaha uga warbixiyay safarkii dibadda ahaa ee uu ku maqnaa, waxaana uu kula dardaarmay inay dardara geliyaan howlaha ay u hayaan Bulshada kudegaannada Jubbaland.
Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland oo todobaadkii Maanta oo kale la qabto ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladihii u dambeeyay ee Soomaaliya gaar ahaan dhacdooyinka ka dhaca degaannada Jubbaland.