Mareykanka ayaa cambaareeyay tallaabada ay Dowladda Itoobiya dalkeeda uga ceyrinayso toddobo Sarkaal oo ka tirsan Qaramada Midoobey.
Mareykanka ayaa Itoobiya uga digay saddexda cisho ay u qabatay Saraakiishaasi sarsare inay dalkeeda uga baxaan, haddii kalena lagu soo roggi doono cunaqabateyn.
Itoobiya waxay Khamiistii sheegtay inay Saraakiishaasi fara-gelin ku hayeen arrimaheeda gudaha.
Xoghayaha Warbaahinta ee Aqalka Cad Mareykanka, Jen Psaki ayaa sheegtay inaanay Xukuumadda Washington ka laba labeen doonin in ay cunaqabateyn ku soo rogto kuwa is hortaagay gurmadka bani’aadanimo.
Madaxa Arrimaha Bani’aadanimada ee Qaramada Midoobey, Martin Griffiths ayaa Talaadadii sheegay in dadka ku nool Gobolka Tigray ay u badan tahay inay macluul wajahaan, sababtuna tahay Xukuumadda Addis Ababa oo aan ogoleyn in gargaar la gaarsiiyo dadkaasi, inkastoo Addis Ababa ay iska fogeysay eedeymahaasi.
Qaramada Midoobey ayaa dhawaan sheegtay in ka badan shan milyan oo qof oo ku nool Waqooyiga Itoobiya ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah, boqolkii toban oo keliyana uu gobolka gaaray, gargaarkii loo baahnaa.