Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi la socday oo muddo howlo shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas.
Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Labada gole ee Maamulka Jubbland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Kismaayo.
Madaxweyne ku-xigeenka Maxamuud Sayyid Aadan oo warbahinta kula hadlay gudaha Garoonka ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladda abaaraha ka jira deegaanno ka tirsan Gobolada Jubbaland, kuwaasi oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka.
Maxamuud Sayyid ayaa faray Ganacsatada iyo hay’adaha samafalka ee gargaarka in ay kaalmo deg-deg ah lasoo gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen oo ay ku jiraan qoysas danyar oo kuwo xoolo dhaqato, isla markaana abaarta ay ku le’deen xoolo farabadan.
Ugu dambeyn Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa tilmaamay in dadku ay abaaruhu sameeyeen in ay Jubbaland inta awoodeeda ah ay garab istaag u sameyn doonto.