Muddo sanad ah ayaa laga jooggaa markii uu dalka Itoobiya ka bilowday dagaalka ay Dowladda Federaalka kula jirto Jabhadda TPLF.
Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa 4-tii bishii November ee sanadkii 2020 amray in la weeraro Ururka TPLF, oo markaasi ka arriminayay Gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi.
Dhowr kun oo qof ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen dagaalka, iyadoo mallaayiin qof uu ku khasbay inay guryahooda ka barakacaan, halka mallaayiin kalena ay macluul qarka u saaran yihiin.
Xukuumadda Addis Ababa oo filleysay in dagaalka uu muddo kooban qaadan doono ayaynaan xaaladdu noqon, sidii ay qorsheyneysay, iyadoona uu dagaalku ku daba dheeraaday.
Dagaalkan ayaa dhulka la galay dhaqaalihii sida xoogga lahaa ku kobcayay ee Itoobiya, iyadoona uu gobolkaasi ka abuuray mid ka mida xaaladaha bani’aadanimo ee dunida ugu daran.
Kooxaha fallaagada ayaa maalmihii ugu dambeysay magaalooyin cusub ka qabsanayay Dowladda Federaalka, taasoo xaaladda dalkaasi ka dhigtay mid hubinti la’aan ah.
Tigrayga ayaa iminka u muuqdo kuwo ku sii siqaaya magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, waxayna ku taamayaan inay xukunka ka tuurayaan Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed.
General Tsadkan Gebretensae oo ka mid ah janaraalada hoggaamineysa TPLF ayaa sheegay in dagaalku uu geba-gabo yahay.
“Maxay tahay sababta xilligan loo soo hadal qaadayo arrinta wada hadalka, dagaalku waa geba-gabo, yaana la xaajoonaa.” Ayuu yiri Tsadkan Gebretensae.
Abiy Ahmed, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo shalay ka hadlay dagaalka ka socdo dalkiisa ayaa ku hanjabay in godka ay qoday TPLF uu noqon doono mid dheer, oo iyaga uun lagu aaso.
“Godka ay qodeen wuxuu noqon doonnaa mid dheer oo iyaga lagu aasi doono, mana noqon doono mid ay Itoobiya ku kala tagto.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uu ka walaacsan yahay is bedelka ka dhacay dalkaasi Itoobiya.
Si kastaba ha-ahaatee waxaa guuldareystay baaqyadii nabadda ee maalmihii ugu dambeysay dhinacyada loogu jeedinayay in ay colaadda joojiyaan
Dagaalka ka socdo dalka Itoobiya oo sanad jirsaday
previous post