Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka degan yahay Muqdisho ku qaabilay Safiirka dowladsa Sweden ee Soomaaliya Danjire Per Lindgärde.
labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka Soomaaliya gaar ahaan Arrimaha dooorashooyinka ee heshiiska laga gaaray.
Safiirka dowladsa Sweden ee Soomaaliya Danjire Per Lindgärde ayaa Madaxweynaha Puntland uga mahad celiyay dadaalkiisa la xiriira doorashooyinka, isaga oo ugu baaqay in uu dardar geliyo doorashooyinka Golaha Sjacabka.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoygiisa Muqdisho ku qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya Danjire Hassan bin Hamza Hashem.
Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen mashaariicda ay dowladda Qatar ka fuliso Soomaaliya iyo arrimo la xiriira doorashooyinka Golaha Shacabka.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo Muqdisho uga qeyb galay Shirkii wadatashiga roorashooyinka ayaa si kala gooni gooni ah ula kulmay Wakiilada Beesha Calaamka, kuwaas oo intooda badan uu kala hadlay Arrimaha doorashooyinka.