Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa marka hore uga mahadceliyay Golaha Bulshada Gobolka Banaadir (GBB) aqbalka codsigii kaga yimid Odayaasha Dhaqanka Muqdisho iyo Midowga Murashaxiinta ee ahaa in dib loo dhigo mudaaharaadkii ay qaban lahaayeen maanta Khamiista ah taariikhduna ku beegan tahay 13/01/22..
Qoraal kasoo baxay Midowga Musharrixiinta ayaa Cambaareeyey hadalkii ka soo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee fal danbiyeed ku tilmaamay mudaaharaadka, oo ah xaq dastuuri ah, sida uu dhigayo qodobka 20-aad ee dastuurka dalka, iyaga oo adkeeyay in mudaharaadku uu yahay xaq dastuuri ah Shacabka Gobolka Banaadirna xilli kasta bannaanbixi karaan.
” Goluhu wuxuu uga mahadcelinayaa Xukuumadda
Ra’iisul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble in ay gudatay waajibkii kaga aaddanaa muddaaharaadka, waxaayna mar kale ku adkaynayaan Xukuumadda in ay ilaaliso xuquuqda
muwaadinka, xilna iska saarto furitaanka saaxadda siyaasadda oo ay ugu horrayso xorriyadda mudaaharaadka, kulammada, ololaha, safarka iyo in warbaahinta qaranka oo loo oggolaado Musharrixiinta.
Warkaan kasoo yeeray Midowga Musharrixiinta ayaa daba socday xilli Maamulka Gobolka Banaadir uu kasoo horjeestay in xiligaan la qabto bannaabax halka wasaaradda Amniga ay shaacisay inay fasaxday bannaanbaxa walow Odayaasha Dhaqanka Muqdisho ay codsadeen in dibadbaxa dib loo dhigo.