
Nin la sheegay in uu isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa goordhow waxaa uu isku qarxiyay gaari uu watay Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimoow.
Wararka la helay ayaa sheegaya in qaraxa lagula eegtay Afhayeenka Xukuumadda agagaarka Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho, isla markaana dhaawac culus uu soo gaaray loo qaaday mid kamid ah Isbitaallada Magaalada Muqdisho.
Sawiroaga soo qaaday Gaari Macalimuu ayaa muujinaya qeybta dambe ee Gaariga oo aad u bur bursan.
Xukuumadda soomaaliya ayaan weli ka hadlin weerarka Ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Afhayrenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimow.
Macallimuu ay dhowr jeer oo hore ka badbaaday dhaawacyo ka soo gaaray qaraxyo iyo weerarro ay Al-Shabaab ka fuliyeen Muqdisho. Alle ha caafiyo Macallimuu.
Warkii Ka soo kordho gadaal ayaa idinka soo gudbinaa la soco