Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa ka socota doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, iyada oo kursigii ugu horreeyay la doortay.
Kursiga Hop192 oo uu horay ugu fadhisay Saciido Maxamed Xasan ayaa waxaa ku tartamay Maxamed Faarax Nuux iyo Ruwayda Maxamuud Maxamed ,waxaana ku guulaystay Maxamed Faarax Nuux oo helay 91 Cod ,halka Ruwayda Maxamud Maxamed ay heshay 1 Cod , 2 Codna way xumaadeen.
Magaalada Garoowe ayaa Maanta qorshuhu wuxuu yahay in lagu doorto ilaa lix lirsi, iyada oo meesha laga saaray Xildhibaannadii horay ugu fadhiyay kuraastaas.