Iyadoo shalay magaalada kismaayo lagu soo gaba gabeeyay shir looga hadlaayay arimaha shaqo qorista shaqaalaha dowladda ayaa madaxwaynaha maamulka Jubaland waxa uu kulan laqaatay Guddiyada shaqaalaha rayidka ee Soomaaliya.
Madaxwaynaha Jubaland Axmed Maxamed islaam oo kulanka qudbo kooban ka jeediyay ayaa shaqaalaha rayidka uga digay in ay kumilmaan arimaha siyaasadda ee xilligaan jirta .
Waxa uu sheegay in loo baahanyahay in shaqaalaha qaladaadalka ay samaynayaan laga qabto xuquuqdoona la ilaaliyo si ay uga maarmaan ku milmida Siyaasadda.
Axmed Madoobe waxaa uu intaas kudaray in lagama maarmaan ay tahay in siyaasiyiinta ay joojiyaan Shaqaalaha ay u adeegsanayaan arrimaha siyaasadda, iyaga oo uga faa’iideysanaya duruufaha jira.
Hadalka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kusoo beegmaya xilli dhowr jeer la arkay in qaar kamid ah shaqaalaha dowladda iyo kuwa dowlad Goboleedyada, iyaga oo ku milmay Arrimo siyaasadeed.