Howlgal ay Ciidamada Booliska Mareykanka ka sameeyeen Magaalada Minneapolis ayaa waxaa ay ku toogtay Nin lagu Magacaabo Amir Locke oo ah Muwaadin Madow oo Mareykankan ah.
Warar aanan la xaqiijinin ayaa sheegayey in qofka la dilay uu ahaa Soomaali, balse wararkaas ayaa beenoobay, kadib markii qofka la dilay uu noqday Muwaadin Madowga Mareykanka ah.
War kasoo baxay Booliska ayaa lafu sheegay inay wateen warqad ama ruqsad maxkamad ka soo baxday oo ogolaasho u siinaysa in ay baaraan guriga ninka la toogtay, balse ay sheegeen in Ninka uu watay baskoolad, gacantana ku hayey ninka la toogtay markii ay booliisku gurigiisa soo galeen.
” Codsi baaritaan ah oo ka soo baxay booliiska magaaladda St. Paul ee deriska la ah Minneapolis ayaa sabab u ahaa in booliisku ay ku soo kalahaan guriga Amir Locke oo ah qofka toogashadda lagu dilay ayaaagu yiri” War kasoo baxay Booliska