Xiisadda ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa salka ku haysa tagista maanta la filayo inuu magaaladaasi gaaro, madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Gudlaawe Xuseen.
Waxa xalay saqdii dhexe la xiray magaalada inteeda badan, iyadoo ciidamada dawladda la dhigay wadada ku xirta garoonka diyaaradaha bartamaha magaalada. Waxa jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan golaha kacdoonka gobolka Hiiraan oo muddo kabadan, sanad diidanaa inuu Guudlaawe tago Beledweyne.
Illo wareedyo ku sugan Beledweyne ayaa sheegay in laga maqlay dhawr qarax, aaga uu ku yaalo garoonka diyaaradaha ee Beledweyne.
Wasiirka aminga ee Hirshabeelle Maxamad Kheyre oo ku sugan garoonka Beledweyne sida uu sheegay ayaa bartiisa Facebook ku qoray in wax dhib ah aanu ka jirin garoonka, isla markaana ay yihiin been abuur wararrka laga faafiyay garoonka.