Ururka 5aad Guutada16aad ee Kamandooska DANAB ee xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Madaxtooyada Jubbaland ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah uga fuliyay inta u dhaxeeysa degaannada degaannada Cabdalla Biroole & Buulo Xaaji ee Galbeedka Magaalada Kismaayo, halkaas oo mararka qaar ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka sameeyaan Xubno katirsan Al-Shabaab.
Saraakiil katirsan Ciidanka Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaan uu ka dambeeyay kadib qeylo dhaan uga timid dadka Shacabka ah oo ka cabanayay in Al-Shabaab ay ka qaadayaan Xoolo ay ku sheegeen Sakawaad iyo lacag farabadan.
Ciidamada ayaa intii ay howlgalka kujireen waxaa ay miinooyin dhowr ah kasoo saareen wadada xiriirisa degaannada Cabdalla Biroole & Buulo Xaaji, halkaas oo dhowr jeer ay ka dhaceen qaraxyo ay ku waxyeeloobeen Askar iyo dad Shacab ah.
Howlgalkaan ay sida wadajirka ah u sameeyeen Ciidamada Kumaandooska DANAB iyo kuwa Madaxtooyada Jubbaland ayaa kusoo beegmay xilli Magaalada Kismaayo ay ka socoto doorashada Golaha Shacabka.