Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Allaha u naxariisto Mulaxinkii weynaa ee Cabdikariin Faarax Qaareey Jiir oo maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.
⁰Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskii uu ka baxay, bahda fanka iyo suugaanta iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.
Cabdikariin Jiir waxa uu ka mid ahaa tiirarka fanka Soomaaliyeed, isagoo ahaa hal abuur leh hibo naadir ah, gaar ahaan dhanka laxan sameynta oo uu caan ku ahaa.
Jannadii Firdows Allaha ugu bishaareeyo marxuumka, ehelka, asxaabtiisii iyo Ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan Eebbe ha ka siiyo.”
Dhinaca kale Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS Cusmaan Abokar Dubbe ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Allaha u naxariistee Maareeye ku xigeenkii Tiyaatarka Qaranka Cabdikariin Faarax Jiir oo goordhaw ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa Marxuumka Alle uga baryey inuu Janadiisa Fardowso ka waraabiyo, sidoo kale qoyska, qaraabada iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan saaxiibadiisii shaqada ee wasaaradda warfaafinta ayuu u rajeeyey samir iyo iimaan.
Alle ha u Naxariistee Cabdi-kariin Faarax Qaarey oo ku magac dheeraa (Jiir) wuxuu sannadkii 1943dii ku dhashay magaalo xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug, isaga oo ifkankaga tegay siddeed carruur ah, afar wiil iyo afar gabdhood.