Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ku guuleystay Kursiga Xildhibaan ee Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay Hop#138 kadib markii ay u tanaasushay Naciimo Xuseen Cali oo la tartami laheyd.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa cod gacan taag ah oo loogu codeeyay doorasho ka dhacday Dhuusamareeb wuxuu helay 86 Cod.
Kursigaan waxaa horay ugu fadhiyay Saciid Nuur Gariish, waxaana Maanta qorshuhu yahay in ilaa Afar Xildhibaan lagu doorto Magaalada Dhuusamareeb.