Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Maamulka Jubbaland ayaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ku qabanaya doorashada 5 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.
Shalay ayaa ilaa 10 musharrax oo ku tartami doona 5 kursi la siiyay Shahaadada musharraxnimo, waxaana kuraasta doorashadooda Maanta la qabanayo iyo musharrixiinta ku tartami doona ay kala yihiin.
1:HOP#136 oo uu ka geeriyooday Maxamed Cabdi Gaandi, waxaana Maanta ku tartami doona Cumar Yuusuf Qaladiid iyo Cabdifataax Cumar Macalin
2: HOP#130 oo uu horay ugu fadhiyay Maxamed Diiriye Khaliif, waxaana kubtartami doona musharrixiinta kala ah Mowliid Cabdi Maxamuud
Iyo Haboon Xasan Tiifoow
3: HOP#112 oo uu hadda ku fadhiyo Cabdi Casiis Cabdullaahi Maxamed Xukun ayaa waxaa ku tartamaya Cabdiqaadir Maxamed Wacaysiyo Daa’uud Cismaan Cali
4: HOP#079 oo ay ku fadhiso Farxiyo Xasan Axmed, balse waxaa kursiga ku tartami doono rag, kuwaas oo kala ah Maxamuud Muxumed Cumar (Kuulow ) iyo Bashiir Nuur Xuseen
5: Hop#072 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyo Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa waxaa ku tartami doona isla Cabdirashiid Xidig iyo Cabdisamad Maxamed Cabdullaahi
Maamulka Jubbaland ayaa ah Maamulka ilaa iyo hadda aan shaacin kuraasta degaan doorashada labaad kadib khilaaf u dhaxeeya Maamulkaas iyo Villa Somalia ,balse ay dhawaan soo geba-gabeyn doonaan doorashada kuraasta taalla Magaalada Kismaayo.