Qaraxa ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland syaa waxaa ku dhintay Sheekh Cabdinasir Xaaji Axmed oo gaarigiisa loogu xiray.
Sheekha oo dhawaan ka yimid Magaalada laas-Caanood ee Xaru ta Gobolka Sool ayaa gaariga uu watao uu qaraxa qabsaday xilli uu marayay Isgoyska Somali Star Xaafada Calanleey ee Magalada Kismaayo.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Sanoter Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Sheekha qaraxa loogu xiray Gaarigiisa.
“Ilaahay ha u naxariisto Sheekheenii weynaa ee Sheekh Cabdinasir Xaaji Axmed oo goordhoweyd qarax lagu dilay magaalada Kismaayo oo uu tegey wacdi iyo muxaadarooyin. Ilaahay ha u naxariisto Sheekh Cabdinasir.
laamaha Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaan weli ka hadlin qaraxa ka dhacay Magaalada Kismaayo, wuxuuna ka socdaan howlo la xiriira doorashooyinka.