Amarro laga soo saaray Amniga Magaalada Garoowe written by Warsan Radio 23/02/2022 Kulan ay yeesheen Guddiga Amniga Gobolka Nugaal ee Puntland ayaa Maanta waxaa ay kasoo saareen Amarro dhowr ah oo la xiriira Amniga Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa laga soo saaray dhowr qodob oo la xiriira Amniga Magaalada, kaas oo uu faah faahin ka bixiyay Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal.Taliyaha ayaa marka sheegay in xaaladda Guud ee Amniga Magaalada Garoowe ay tahay mid wanaagsan, balse ay ka feejigan inay soo gaaraan falalka Amni darro ee ka dhacaya Gobolada kale ee dalka.Waxaa uu hadalkiisa uu in taasi ku daray i ay socdaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, hayeeshee Bulshada looga baahan yahay inay la Shaqeeyaan Ciidamada si amniga loo sugo.Ugu dambeyn Taliye Xuseen waxaa uu sheegay in Ciidamada Amniga howlgal kasta oo ay kujiraan aysan wax xabbad ah ku ridi karin Magaalada Garoowe, sidoo kalena Bulshada looga baahan yahay inay la socdaan dadka ay Guryaha ka kireeynayaan.Amarkaan kasoo baxay Guddiga Amniga Gobolka Nugaal ayaa kusoo beegmaya xilli ay Magaalada Garoowe ay kamid tahay Goobaha ay ka socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka Amarro laga soo saaray Amniga Magaalada Garoowe was last modified: February 23rd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso;- Barnaamijka Ciyaaraha next post Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like Dhageyso: Tababar Labo Maalin Socday Oo Loo Qabtay Xildhibanada Goliyaasha Degmooyinka Xudur Iyo Berdaale. 02/07/2019 Dowladda oo sheegtay inay howlgal ku dishay Xubno katirsan Al-Shabaab 29/09/2022 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 11/07/2020 Dhageyso:-Saliimo Sheikh Shuceyb oo loo doortay Gudoomiyaha Ururka Dhalanyarada ee Garab walaal 08/02/2019 Madaxweynaha Kenya & Ra’iisul Wasaaraha itoobiya oo soo gaaray Muqdisho 01/02/2023 Dhageyso:-Gudiga Abaarha Xeer fadarall ayaa Maamulka Kgs ay Ku wareejiyeen Lacaq gaareysa 105000 oo Doolarka Mareekanka 13/02/2017 Somaliland oo sheegtay qofkii ugu horeeyay inuu u geeriyooday cudurka Covid19 01/05/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 27/09/2020 Akhriso:-Eritrea Ethiopia iyo Somalia ma yeelan doonaan mustaqbalka Saddex Madaxweyne” 10/11/2018 Akhriso+Sawiro:-Sedex musharax oo manta ka hor hadashay Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed 16/12/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.