Guddiga hirgelinta doorashooyinka eeHeer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa soo saaray jadwalka doorashada lix kursi oo ka mid ah kuraasta taalla Gaalkacyo.
Lixda kursi ayaa saddex ka mid ah waxaa loo xiray kaliya inay ku tartamaan Haween si loo ilaaliyo Qoondada Haweenka, waxaana kuraasta doorashadooda la qabanayo ay kala yihiin.
1: Hop#001 oo uu ku fadhiyo Warsame Maxamed Xasan (Joodax)
2: Hop#013 oo ay ku fadhiso Maryan Maxamed Xuseen.
3: Hop#017 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhido Duniyo Maxamed Cali.
4: Hop#020 oo uu ku fadhiyo Cali Axmed Shariif Cusmaan
5: Hop#060 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiso Ubax Tahliil Warsame.
6: Hop#101 oo uu ku fadhiyo Wasiir ku xigeenka Wasaardda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda xilgaarsiinta Xirsi Aadan Rooble