Duullaanka uu Ruushku qaaday dalka Ukrain waxa u dhamaaday saddex toddobaad, waxaana ciidamada Ruushku ay go’ddomin ku hayaan magaalooyinka waaweeyn oo caasimadda Kyiv ugu muhiimsan tahay.
Ciidamada Ruushku waxay sidoo kale gantaalo ku weerareen magaalooyinkaas, iyaga oo beegsaday Isbitaallo, duggsiyo iyo dhismayaal dhaadheer.
Mareykanka iyo xulufadiisa Midowga Yurub ayaa cambaareeyay Duullaanka uu Ruushku qaaday dalka Ukrain, iyaga oo sheegay inay qaadi doonaan tallaabooyin ka dhan ah Ruushka.