Maxay tahay gabadha Soomaalida ah ee dishay darawalka ee sida weyn dunida looga hadal haayo? written by Warsan Radio 28/05/2022 Gabar Soomaaliyeed oo 15 jir ah oo ku nool dalka Masar ayaa si weyn loo hadal haayo, kadib markii ay dishay Darawal mootada noo loo yaqaano Tuk Tuk oo la sheegay in uu isku dayay in uu ku kufsado .Gabadhan Soomaaliyeed ayaa isku soo dhiibtay Booliska Masar, waxayna qiratay inay dishay darawalka oo ay ku eedaysay inuu isku dayay inuu fara xumeeyo gudaha gobolka Giza, sida uu qoray wargeyska Al-Masry Al-Youm.Gabadhan Soomaaliyeed ayaa timid Saldhiga Booliska ee Sitta October , iyadoo uu la socday Qareen xiriir la leh Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee dalka Masar.Waxa ay sheegtay in aysan ku talo galin in ay disho ninka, balse in uu diiday in uu joojiyo Mootada, sidoo kale uu ula soo baxay Mindi uu rabay in uu ugu hanjabo in uu fara xumeyn doono,islamarkaana uu isku dayay marka hore in uu dhaawaco balse ay iska difaacday, ayna gacanteeda soo gashay Mindidii ka dibna ay sidaasi ku galisay.Gelida Bidix ayaa la sheegay in ay galisay tooreyda, waxaana xeer ilaalinta Masar ay sheegeen in dhammaan sheegashada gabadh ay tahay mid sax ah markii baaritaan la sameeyay.Gabadhan ayaa la horgeeyay Xeer ilaalinta, waxaana ay xabsiga ku jirtay muddo 4 maalmood ah, iyadoo baaritaan lagu waday.Xeer ilaalinta guud ayaa amartay in la sii daayo gabadhan inta laga sugayo baaritaanka dilka loo geystay darawalka. Maxay tahay gabadha Soomaalida ah ee dishay darawalka ee sida weyn dunida looga hadal haayo? was last modified: May 28th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Kooxo hubeysan oo dilay mid ka mid ah nabadoonada si weyn looga yaqaano Hiiraan next post Iraan oo xoog kula wareegtay Maraakiib siday Shidaal You may also like Dhageyso:-warbixiintii ka soo diyaariyey wariyeheen muxidiin xusni gobalka bakool. 21/01/2017 Dhageyso: Barnaamijka Ciyaaraha Idaacada Warsan 16/05/2023 Tahriibayaal ay ku jiraan Soomaali oo lagu la’yahay xeebaha dalka Yemen 15/11/2023 Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dalka Oo Kulan La Qaatay Wakiilka Qaramada Midoobey Somaliya 05/01/2021 Dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud & khasaaro ka dhashay 18/08/2022 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 17/10/2021 DHAGEYSO:13 QOF OO CUDURKA SHUBANKA UGU DHIMATAY DEGAANKA GOOF GADUUD SHABELLOW EE GOBOLKA BAY 15/01/2017 Akhriso:- Madaxweyne Farmaajo oo Jabuuti kaga qeyb galay shirka Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha 05/07/2018 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 19/07/2021 Dhageyso waxa laga deysrineeyaa halada abaarta Ka jirta degmada Buur hakaba Ee Gobolka Bay 17/02/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.