Baydhowy-{WMN}Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan Ururka 25aad ee Guutada 6aad oo kaashanaya kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa howgal qorsheysan ka fuliyay tuulada Ambareeso oo u dhow degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose , halkaas oo uu dhawaan ka dhacay qarax lagu dilay Askar katirsan Ciidan dowladda.
Howlgalka oo uu horkacayay Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale ayaa Ciidamada ku baarayeen Guryaha kuyaalla Tuulada Ambareeso oo 5km duleedka kaga beegan degmada Baraawe, waxaana ujeedka howlgalka uu ahaa xaqiijinta Amniga degaanka.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in ujeedkooda uu ahaa xaqiijinta Amniga, ka hortegida weerarada Al-Shabaab, Burcadda iyo dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya.
Ciidamada ayaa goob fagaaro ah isugu keenay qaar kamid ah dadka Tuulada Ambareeso, waxaana mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada ATMIS oo goobta kula hadlay uu sheegay in ay halkaasi u tageen badbaadinta dadka, isaga oo ka codsaday inay kala Shaqeeyaan sugida Amniga.
Howlgalkan Ciidamada dowladda iyo howlgalka ATMIS ay ka sameeyeen duleedka degmada Baraawe ayaa daba socday kadib falal amni darro iyo weeraro kusoo kordhay degaannada u dhow drgmadaasi Baraawe oo ah Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.