Xiisad u dhaxeeysa Xukuumadda & mucaaradka Somaliland oo ka taagan Hargeysa written by Warsan Radio 05/06/2022 Waxaa sii xoogeysanaya xiisadda u dhaxeeysa Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyada mucaaradka, kaas oo salka ku haaya muddo kororsi lagu eedeeyay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi .Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa dhawaan iclaamiyay dibadbax ay kaga soo horjeedaan muddo kororsiga, waxaana Xukuumadda ay ku billowday cadaadis iyo inay ka hortagto dibadbaxaas.Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xalay Xabsiga dhigay Milkiilaha Maqaayadda SIMA Axmed Sayid Heybe Nuur ,halkaas oo xalay ay Bulshada kula damaashaadeen Guddoomiyaha Xishiga WADANI Cabdiraxmaan Ciro iyo Xubno kale oo katirsan Ciidamada Mucaaradka.Guddoomiye Cirro oo ka hadlay xariga Milkiilaha Maqaayadda SIMA ayaa yiri” Waxa ayaan darro ah in xorriyadiisana laga qaado oo xabsigana loo taxaabo Mudane Axmed Sayid Haybe Nuur oo ah Mulkiilaha meheradda SIMA ee aan shaaha ka cabnay anniga iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI iyo saraakiil sare oo Xisbiga rejada Shacabka ka tirsan. Dabeysha Isbeddelka Shacabku hoggaaminayo ee doorasho doonka ahi kuma joogsaneyso xadhigga muwaadinka meheraddiisa aanu caawa shaaha iyo sheekada kula wadaagnay dadweynaha caasimadda deggan ee doonistooda iyo dareenkoodaba muujinayey.Guddoomiye Cirro ayaa sidoo kale sheegay markale inay qabanayaan dibadbaxa uu isaga hoggaamin doobo, isla markaana aysan jiri karin cid hor-istaagi karta.Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Xukuumadda Somaliland ay Ciidamo farabadan dhoobtay waddooyinka si ay uga hortagto dibadbaxa ay qorsheeynayaan Xisbiyada Mucaaradka. Xiisad u dhaxeeysa Xukuumadda & mucaaradka Somaliland oo ka taagan Hargeysa was last modified: June 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Weerar ka dhacay Muqdisho & khasaaro ka dhashay next post Dagaal ay ku dhinteen laba Nin walaalo ah oo ka dhacay Gobolka Sool You may also like Dhageyso:-Ku celis Qeybta 6 aad ee Barnaamij looga hadlaayo Barashada Nafaqada Wanaagsan iyo Badqabka Cunada 25/01/2021 Madaxweyne Trump oo dib u dhigay shirka G7 31/05/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 07/01/2019 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 19/09/2020 DHAGEYSO:Maamulka Gobolka Bakool OO Baaq Udirey Dowlada Dhaxe Oo Ku Aadan Abaaraha 21/12/2016 Ciidamada Haramcad oo dad badan ka qabqabtay Magaalada Jowhar 06/01/2021 DHAGEYSO:-Warka Duhur ee Radio Warsan 12/03/2020 MOGDISHO DAWLADI WAA KU SHAQAYN WAYDAY IN KU DHAW 30 SANADOOD SUURO GAL MATAHAY IN LOOGUURO MAGAALO KALE DHULKA SOOMAALIYEED? 04/11/2017 video Kulankan ay soo qaban qabisey Wasaarada Warfaafinta Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed islamarkaana Wasaarada ay usoo bandhigtey Qodobo ka mid ah 21/05/2017 Akhriso:-shuruudaha laga rabo Musharaxiinta Jubbaland oo Guddiga Doorashada ay Soo Saareen maanta 18/07/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.