Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo written by Warsan Radio 21/06/2022 Dagaal culus oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa duleedka magaalada kismaayo ee obolka Jubbada hoose waxaa uu maanta barqadii ku dhex-maray Ciidamo katirsan kuwa daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerar jidgal ah ku qaadeen Kolonyo katirsan Ciidamada Jubbaland, xilli ay marayeen Inta u dhaxeeysa degaannada Baarka iyo halka loo yaqaano dhul-baraha ee duleedka Magalada Kismaayo.Wararka la helay ayaa sheegaya in dagaalka uu ku dhintay al askari oo kamid ahaa Ciidamada Jubbaland laba kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyay Magaalada Kismaayo.Saraakiil katirsan Ciidamada Jubbaland ayaa waxaa ay dhankooda sheegeen in ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinac Al-Shabaab, isla markaana khasaaro farabadan ay gaarsiiyeen wallow aan weli la helin warar madax bannaan oo xaqiijinaya warkaas.Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka uu dagaalka ka dhacay ayaa sheegaya in xaaladda ay haatan tahay mid degan, isla markaana Ciidamada howlgallo ay sameeyeen kadib ay dib u laabteen Magaalada Kismaayo. Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo was last modified: June 21st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Puntland oo dil toogasho ku xukuntay Shabakad ku eedaysan Shabaabnimo next post Rooble oo Maanta guddoomiyay shirkiisii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirrada You may also like Midowga Yurub oo soo dhaweeyay go’aankii Midowga Africa ee la xiriiray xaalada Soomaaliya 24/04/2021 Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay khasaare nafeed oo ka dhashay roobab dabeylo wata oo ku dhuftay xeebaha Soomaaliya 29/07/2020 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 17/10/2023 Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 11/04/2022 Dowlada Somalia oo War kulul ka soo saartay weerar lagu qaaday Sacuudiga 25/06/2020 Akhriso: Nuxurka khudbadii Axmed Madoobe ee furitaanka kalfadhiga baarlamaanka Jubaland 06/10/2020 Madaxweyne Xasan Sheekh oo shiinaha kala hadlay dagaalka Al-Shabaab 10/12/2022 Guddiga Difaaca Ee Golaha Shacabka Oo Kulan Xasaasi Ah La Yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga 14/11/2022 Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare oo Maanta bilaabanaya 18/07/2020 Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Japan oo dhaawicii u geeriyooday 08/07/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.